10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2025
Mucaaradka Puntland oo ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu ka shaqeynayo aqoonsiga Somaliland
 

Axad, October 5, 2025 (HOL) - Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa si adag u cambaareeyay war-murtiyeed kasoo baxay shir ka dhacay Nairobi 4–5 Oktoobar 2025, kaas oo lagu sheegay inuu dhexmaray Puntland iyo Somaliland.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal iyo siyaasi Aadan Sheikh-Doon ayaa sheegay warka kasoo baxay kulanka Puntkand iyo Somaliland in uusan ka tarjumayn maslaxadda shacabka Soomaaliyeed, midnimada dhuleed iyo rabitaanka guud ee ummadda. Waxay ku eedeeyeen in war-murtiyeedka uu si toos ah ugu adeegayo ajandaha siyaasadeed ee goon isku taagga Somaliland, iyadoo la adeegsaday erayo loo fasiran karo aqoonsi dadban.

Waxay ku tilmaameen arrintaasi mid ka dhan ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 7-aad oo qeexaya midnimada dalka, iyo sidoo kale Dastuurka Puntland oo adkaynaya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Mucaaradku waxay ku eedeeyeen madaxweynaha Puntland, Deni, inuu ku lug leeyahay hindisahan, isla markaana uu ku hawlan yahay olole siyaasadeed oo horseedi kara kala qaybsanaan qaran. 

Waxay sheegeen in shacabka Puntland aan lagu metelin go’aamada noocaas ah, iyagoo xusuusiyay in Puntland naf iyo maal ku bixisay sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo mid ah, oo federaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, wakiillo ka socday Puntland iyo Somaliland oo Nayroobi ku kulmay ayaa soo saaray war murtiyeed nuxurkiisu uu ahaa wada shaqaynta labada dhinac ee nabadaynta, amniga, ganacsiga iyo siyaasadda maamulka hawada.