Axad, October 5, 2025 (HOL) - Urur Goboleedka Iskaashiga dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ka geysteen Xarunta Baarista ee Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.
IGAD, bayaan ay soo saartay waxay bogaadisay geesinimada ciidamada ammaanka Soomaaliya, kuwaa oo ay ku ammaantay inay jawaab degdeg ah ay bixiyeen ay ka hortagaan khasaare weyn oo ka dhalan lahaa weerarkaas.
IGAD waxay sheegtay in weerarkan uu yimid wax yar kadib markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen guulo muhiim ah kaddib markii la qaarijiyay saraakiil sare oo Al-Shabaab ah iyada oo la adeegsanayo hawlgallo bartilmaameedeysan.
“Weerarkaas wuxuu muujinayaa quusasho sii kordheysa oo ka muuqata kooxda Alshabaab iyo waxtarka dadaallada joogtada ah ee lagula dagaallamayo argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka IGAD.
Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee IGAD, ayaa yiri:
“Weerarkan ma wiiqi doono geesinimada Soomaaliya ama go’aanka gobolkeenna. IGAD waxay si buuxda u taagan tahay dadka iyo Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo raadinta nabad iyo xasillooni waarta.”
IGAD waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan iskaashiga joogtada ah ee gobol iyo mid caalami si loo baabi’iyo argagixisada loona horumariyo nabad iyo adkaysi waara guud ahaan Geeska Afrika.