10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2025
Bulshada degmada Ceel Buh oo dalbanaysa caddayn iyo cadaalad ku saabsan dilka Caaqil Cumar

Isniin, October 6, 2025 (HOL) — Bulshada deegaanka Ceel Buh ee gobolka Sanaag ayaa Axaddii isugu timid kulan duco iyo baroor-diiq ah oo loo sameeyay marxuum Caaqil Cumar Cabdullaahi, oo lagu dilay duqeyntii Mareykanka ee bishii hore.

Caaqil Cumar, oo kamid ahaa nabadoonnada ugu waaweyn ee gobolka Sanaag, ayaa 13-kii September 2025 lagu dilay deegaanka Jicanyo, oo ku dhow degmada Ceel Buh, iyadoo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu markii dambe ku sheegay in duqeyntaasi lagu beegsaday qof ay sheegeen inuu ka mid ahaa ganacsatada hubka ee kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, AFRICOM ma aysan shaacin magaca ninka ay duqeeyeen, balse mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in goobta iyo waqtiga duqeyntu ay dhacday ay si buuxda ugu beegantahay halka lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi.

Ducada oo ay ka muuqatay murugo, oohin iyo caro isku dhafan, ayaa ahayd mid bulshada ku mideysay hal cod — baaq cadaalad iyo sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan sababta dilka Caaqilka deegaanka loo gaystay.

Cabdicasiis Maxamuud Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa sheegay in Caaqil Cumar uu ahaa “nabadoonka guud u ee ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Sanaag.”

“Wuxuu ahaa nin nabadda u taagan, oo aan qabiil iyo dano gaar ah ku koobaneyn. Safarkiisii ugu dambeeyay wuxuu ku jiray dhex-dhexaadinta goysaska. Waxaan rabnaa inuu helo cadaalad, sida uu xaq ugu leeyahay,” ayuu raaciyay.

Maxamed Axmed Cali Salaad, guddoomiyaha degmada Ceel Buh, ayaa sheegay in Caaqilku u dhintay “dil siyaasadeed oo xaq-darro ah.”

“Nabadoon Cumar uma dhiman xisbi, Al-Shabaab ama Daacish. Wuxuu u dhintay siyaasad qarsoon. Ma ahayn nin hubeysan, waxaana la qaban karay maadaama uu ahaa nin aan ilaalo wadan haddii uu dambi lahaa. Waxaan rabnaa in Mareykanka iyo cidda tilmaantay ay si cad u sheegaan sababta ay u dileen,” ayuu yiri guddoomiyuhu, isagoo codkiisa kor u qaaday.

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka, Kun Laq, ayaa hoosta ka xariiqay in AFRICOM la hor keeno maxkamad.

“Caaqil Cumar ma ahayn xagjir, mana ahayn nin hub iibin jiray. Wuxuu ahaa oday bulshada dhexdeeda laga yaqaan oo nabad u taagan. Haddii uu wax qaldanaa, annagaa ogaan lahaa. Haddaan dambi ku ogaan laheyn, annagaa hor istaagi laheyn,” ayuu yiri Kun Laq.

Maxamuud Axmed Nuur, oo ka mid ah ehelada marxuumka, ayaa cod dheer ku sheegay in qoyska iyo bulshada aysan aqbaleyn in magaca odaygooda laga sumcad dilo: “Caalamka waxaan ka rabnaa cadaalad. Caaqil Cumar wuxuu ahaa nin Puntland ka tirsan oo nabadda iyo wada-noolaanshaha ka shaqeeya, magaciisana waxaa lagu xusuustaa wanaag, ee ma ahayn hub.”

Culimada magaalada ayaa dhankooda ku biiray baaqa cadaaladda. Cali Mahdi Sheekh Axmed Xasan wuxuu yiri: “Gobolkan nabad ayaa lagu noolyahay, dilka noocan ahna hore looma arkin. Caaqil Cumar wuxuu ahaa nin dhaqanka hoggaamiya, mana mudnayn in si caynkan ah loo dilo. Cadaalad iyo caddayn ayaan ka sugaynaa dowladaha ay quseyso.”

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee goobta joogay, G/sare Mustafe Saciid, ayaa sheegay in “Caaqilka uusan ahayn argagixiso, mana jirin habeen lagu raadraacayay.”

“Wuxuu ku dhintay shirqool iyo kibir siyaasadeed. Waxaan rabnaa Mareykanku inuu noo cadeeyo sababta uu nin nabadoon ah ugu beegsaday gantaal.”

Haweenka ehelka la ahaa marxuumka ayaa iyaguna dalbaday cadaalad. Mid kamid ah hooyooyinka waxay tiri: “Wali cadaalad ma hayno. 70 sano ha joogtee, cadaalad ayaan rabnaa. Mareykanku ha cadeeyo sababta uu Cumar u dilay.”

Sidoo kale, hooyo kale ayaa kulanka ducada ka tiri “Wuxuu ahaa nin nabadda iyo diinta u shaqeeya, mana ahayn dambiile. Waxaan ka xunnahay in ciidanka Mareykanka oo u yimid dalka iney amniga ka shaqeeyaan ay noqdaan kuwii duqeeyay dadka nabadda jeclaa.”

Mas’uuliyiinta iyo odayaasha deegaanka Ceel Buh ayaa ku baaqay in hay’adaha caalamiga ah ay si dhab ah u baaraan dhacdadan, si loo ogaado xaqiiqada ka dambeysa duqeynta lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi. Waxay sheegeen in jawaab cad laga sugayo dowladda Mareykanka, maadaama uu Caaqilku ahaa qof caan ka ahaa gobolka oo aan ku lug lahayn wax fal argagixiso ah.