Isniin, October 6, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa maanta garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ka sagootiyay Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , kuwaas oo shalay booqasho rasmi ah ku yimid Jubaland iyagoo ka gaabsaday inay xusaan magaca Madaxweynaha Soomaaliya oo wada hadal ay shalay ku tagay magaalada Kismaayo.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in maamulka Jubaland uu mar kale caddeynayo in uu ka go’an yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul, si wadajir loogu wajaho ajandayaasha waaweyn ee hor yaalla Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la isku raacay in wadahadallada la sii wado, lagana yeesho kulammo kale oo horudhac u noqon kara xal waara sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay shacabka Jubaland doorkooda niyadsan iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaa’di’da iyo qadiyadahooda gaarka ah.
Sidoo kale, Jubaland ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay Dowladda Kenya, dadaallada ay ku bixineyso dhexdhexaadinta iyo fududeynta wadahadalka u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka, iyada oo laga gaabsaday in si toos ah loogu xuso Madaxweynaha Soomaaliya warsaxaafadeedka, taasoo muujin karta taxaddar diblomaasiyadeed ama calaamad kale oo siyaasadeed oo muujinaya inuu jiro khilaafka xargaha goostay ee labada dhinac u dhaxeeya.