Isniin, October 6, 2025 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho kaga hadlay weerarkii maalin ka hor kooxda Al-shabaab ku qaaday godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.
Wasiir Cumar Cali ayaa ku tilmaamay weerarkii godka Jilicow Sabtidii ka dhacay inuu ahaa weerar caadi ah oo la mid ah kuwa ka dhaca caalamka.
"Weerarkii godka Jilicow ku qaaday Khawaarijta waxuu la mid yahay weerarada argagixiso ee dunida ka dhaca Muqdisho waa amni sanad gudaheed ayaa hal qarax dhacay" ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali.
Wuxuu sidoo kale xusay Wasiiru dowlaha in dowladda ay abaal marin siineyso askarigii wadada Madaxtooyada ka celiyay maleeshiyaadka weeraray godka Jilicow.
"Waxaan balan qaadaya inaan abaal marin siin doonto dowladda askarigii Khawaarijta ka celiyay iney u soo gudbaan dhanka wadada Madaxtooyada, askariga iyo kuwa la mid ka ah waa la abaal marin doona" ayuu yiri Wasiir Cumar Cali.
Hadalka Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo Sabtigii la soo dhaafay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab weerar ku galeen godka Jilicow oo ah xabsi ay maamuusho hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, kaasoo ku yaala meel aan sidaa uga fogeyn xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.