10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 6 , 2025
Puntland oo beenisay in ay Somaliland ka wadahadleen in cadaadis la saaro maamulka Waqooyi Bari

Isniin, October 6, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa beeniyay in Somaliland iyo Puntland ay ka wadahadleen arrimaha Laascaanood iyo sidii cadaadis loo saari lahaa maamulka Waqooyi Bari.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland aanay ku heshiin wax ka badan waxa ku qoran warsaxaafadeedkii ay shalay soo saareen, kaas oo inta badan xoogga saarayay iskaashiga nabadda, dhaqaalaha, iyo isu-socodka dadka.

“Warsaxaafadeedka waxa ku qoran wixii miiska saarnaa, wax ka geddisan oo laga wada hadlay ma jiro. Wixii aanu ka wadahadalnay waa qoran yihiin, waa war dowladeed oo warqad ku yaalla. Anagu waxa aanu ka wadahadalnay iskaashiga amniga, la dagaalanka argagixisada, isu-socodka iyo ganacsiga dadka. Mawduuc kale oo aanu ka wadahadalnay miiska kuma jirin, arrinta Laascaanood-na kama mid ahayn,” ayuu yidhi Wasiir Juxa.

Wasiirka oo la waydiiyay in ay ka tanaasuleen xuduudihii ay Somaliland isku hayeen ayaa yidhi:
“Hadda ma dagaal ayuun baanu saarnaanaynaa? Waxaanu doorannay in aanu Somaliland nabad kula noolaanno si xaaladda gobolka Sanaag nabad lagu soo dabaalo, isla markaana wixii siyaasad ah wakhtigooda laga wada hadlo.”

Wasiir Juxa waxa uu intaas ku daray:
“Arrintani waa arrin muhiim ah, waa arrin labadeenna dhinacba muhiim u ah, waa arrin Soomaalida muhiim u ah, waana arrin gobolka muhiim u ah in nabad iyo xasillooni la helo. Waana wixii waligood la raadinayay in la helo,” ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo waxa uu maamulka Puntland ka yeelayo maamulka Waqooyi Bari, isaga oo sheegay in Somaliland iyo Puntland ay xuduud ka dhaxayso, mar la waydiiyay in maamulka Waqooyi Bari uu hadda ku kala dhex jiro.

“Waxa noo dhexeeya adiga ayaa sheegaya, ee anagu dagaal ayaanu kaga jirnaa buuraha Calmadow. Daacish ayaanu kula dagaalamaynaa, in hay’adaha labada dhinac iska kaashadaan arrintaasina saldhig weyn ayay u tahay,” ayuu yidhi Wasiir Juxa, mar la waydiiyay in Somaliland iyo Puntland uu maamul u dhexeeyo.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa isna sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii layskaga kaashan lahaa ka hortagga maamulka cusub ee Waqooyi Bari.