Talaado, October 7, 2025 (HOL) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirshakuur Warsame, oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka digay marxalad xasaasi ah oo uu sheegay in la galayo haddii aan la helin isfaham iyo hoggaan isu tanaasula.
Isagoo ka hadlayay arrimo la xiriira booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegay magaalada Kismaayo, ayuu sheegay in ficilkaasi muujinayo in dalka aanu lahayn gole wasiiro, maxkamad iyo xeer ilaalin si uu u jiro nidaam sax ah oo xallin kara khilaafaadka taagan.
Wuxuu si gaar ah u xusay in Madaxweynaha, halkii laga filayey inuu noqdo marjaca ugu dambeeya ee lagu kala saaro haddii khilaaf yimaado, uu ka dagay magaalada Kismaayo, iyadoo ay aheyd inuu noqdo qofka ugu dambeeya ee taga wada hadalba hadii lagu dhameenayo khilaafka Dowladda iyo Jubaland.
"Markii Madaxweynaha uu eedeyn u jeediyay Axmed Madoobe, haddana uu Kismaayo tegay, waxay ahayd inuu muujiyaa tanaasul iyo is-afgarad, ma ahayn inuu heshiis la aan soo laabto" ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.
Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Dowladda Federaalka ah ay hoggaamiso kala-guur siyaasadeed oo nabad kudhaca, si looga fogaado qalalaasihii iyo fowdadii ka dhalatay kala guurkii dowladdii hore, kaasoo uu tilmaamay inuu ku dhammaaday gacan ka hadal iyo khilaaf siyaasadeed oo horseeday burbur iyo kala shaki.
Xildhibaanka ayaa ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo dhowaan ay si wadajir ah u dhiseen siyaasiyiinta mucaaradka ah, maamulka Jubbaland iyo Puntland, kuwaasoo hadda isu diyaarinaya door muuqda oo ay ka qaataan hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Hadalka Cabdiraxmaan Cabdirshakuur wuxuu muujinayaa walaaca sii kordhaya ee laga qabo jihada ay siyaasadda Soomaaliya u socoto, iyadoo mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay dalbanayaan in la helo hannaan wadaag iyo kala guur nabadeed oo looga gudbo marxaladdan kacsan.