10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2025
NISA iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo Howlgal ka Fuliyay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Talaado, October 7, 2025 (HOL) - Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay si qorsheysan u fuliyay howlgal ka dhacay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al shabaab.

Howlgalkan oo ku saleysnaa xog sirdoon oo la helay, ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab oo qorsheynayay falal amni-darro oo laga fulin lahaa inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad. 

Sida ay wararku sheegayaan, kooxda Al shabaab ayaa tiradoodu gaaraysay ilaa 40 xubnood, waxaana howlgalka lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad, halka saddex kalena ay dhaawacmeen.

Ciidamada NISA ayaa si toos ah u beegsaday teendhada ay kooxdaasi ku sugnaayeen, taasoo gebi ahaanba la burburiyay, iyada oo aan wax khasaare ah soo gaarin shacabka deegaanka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo khatarta ay kooxaha argagixisadu ku hayaan amniga dalka sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen NISA.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu kusoo dhammaaday si guul leh, isla markaana uu ka hortagay falal argagixiso oo laga fulin lahaa deegaannada muhiimka ah ee u dhaxeeya caasimadda Muqdisho iyo degmada Balcad.