10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 7 , 2025
Booliska Somaliland oo soo qabtay eedaysane nin ku dhex toogtay Hargeysa
 

Talaado, October 7, 2025 (HOL) - Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Aabi Muuse Cilmi, oo lagu eedeeyay dilka Marxuum Cabdi Haybe Khayre, kaas oo uu barqadii Talaadadii ku toogtay xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Eedaysanaha ayaa markii uu dilka gaystay ka baxsaday magaalada, isaga oo laga soo qabtay meel ka baxsan Hargeysa. Waxaa ugu horreyn gacanta ku dhigay ciidamada milateriga Somaliland, kuwaas oo ku wareejiyay booliiska.

“Hawlgal iyo dedaal dheer oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska JSL, iyagoo kaashanaya bulshada iyo ciidamada milateriga oo uu ka tirsanaa, ayaa lagu guulaystay in la qabto eedaysanaha,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliiska.

“Eedaysanaha waxa si degdeg ah loo horgayn doonaa hay’adaha garsoorka,” ayaa markale lagu yidhi qoraalka.

Taliska guud ee Ciidanka Booliska ayaa u mahadnaqay bulshada Somaliland iyo ciidamada milateriga, kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay hawlgalka lagu soo qabtay eedaysanahan.

Eedaysanaha ayaa ninka ku toogtay isaga oo socda meel waddo ah, ninka la dilayna waxa uu ahaa oday. Ilaa hadda lama sheegin sababta keentay dilkan.