Taalladan ayaa lagu sheegay inay tahay astaan lagu muujinayo
dalab cadaalad iyo xusuus murugo leh oo ku saabsan dhacdadii lagu dilay mid ka
mid ahaa nabadoonnadii ugu caansanaa gobolka.
Caaqil Cumar ayaa la dilay 13-kii September 2025, kadib
markii diyaarado dagaal oo Mareykan ah ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Jicanyo.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in weerarkaas lagu
bartilmaameedsaday qof ay ku tuhunsanaayeen inuu ganacsade hub ahaa oo xiriir
la lahaa Al-Shabaab, balse ma aysan shaacin magaca qofka la dilay.
Mas’uuliyiinta deegaanka iyo ehelka marxuumka ayaa sheegay in goobta iyo
waqtiga duqeyntu ay si buuxda ugu beegmeen halka uu ku geeriyooday Caaqil
Cumar.
Goobta taallada lagu dhisay ayaa dhinac yaalla burburkii
gaarigii uu watay Caaqilka, kaas oo la sheegay in halkaas lagu reebay ilaa
Mareykanku uu ka bixiyo garowsi iyo cadaalad. Munaasabadda lagu furay taallada
waxaa ka qeybgalay odayaal, culimo, iyo bulshada deegaanka oo u arkay dhacdadan
mid dhaawacday kalsoonidii shacabka ee ku aaddan duqeymaha Mareykanka.

Cali
Cabdillahi Cabdi Ibrahim, walaalka ka weyn marxuumka, oo ka hadlay goobtii lagu
duqeeyay oo laga dhisay taalo.
Cali Cabdillahi Cabdi Ibraahim, oo ahaa walaalkii ka weyn
marxuumka, ayaa sheegay in taallada loo dhisay si loo xasuusto dhacda iyo si ay
u noqoto calaamad dadka deegaanka ku xusuustaan marxuumka.
“Walaalkeey oo caaqil ah oo bulshada goboladana iyo
Soomaaliya oo dhan laga yaqaano, ayaa goobtan waxa ku haleelay saddex gantaal
ay riday diyaarado, isagoo keligiis ah, wuxuuna ka yimid gurigiisa Ceel Buh una
jeeda gurigiisa kale ee ku yaala Baran,” ayuu yiri Cali Cabdillahi.
“Waxaan u sameynay taallada xusuusta dhacdada xanuunka badan
ee nagu dhacday, annaga oo ah qoyska iyo dadka deegaanka, si aysan
qalbiyadeenna uga bixin dulmiga aan tirsaneyno ee loo geystay Caaqilka.”
Cali Cabdillahi ayaa sidoo kale codsi u diray hay’adaha
xuquuqul insaanka iyo dowladaha caalamka.
“Waxaan ka codsaneynaa cid kasta iyo qolyaha ka shaqeeya
xuquuqul insaanka in dhacdadaaasi nagala shaqeeyaan oo nala raadiyaan cadaalad.
Waxaan rabnaa in Mareykanka, gaar ahaan AFRICOM, ay faahfaahin ka bixiyaan
sababta ay u dileen Caaqilka. Waxay qirteen dilka, balse faahfaahin kama aysan
bixin sababta,” ayuu yiri Cali Cabdillahi.
Wuxuu sidoo kale beeniyay eedaha loo jeediyay marxuumka ee
ah inuu xiriir la lahaa kooxaha argagixisada.
“Eeda loo jeediyay ee ah argagixiso wax ka jira ma leh,”
ayuu raaciyay.
Xaawo Axmed Cali, xaaska Caaqil Cumar Cabdillaahi
Xaawo Axmed Cali, xaaska marxuumka, ayaa sheegtay in qoysku
ay la daalaa dhacayaan walbahaar iyo cabsi tan iyo maalintii uu geeriyooday
ninkeedii.
“Amni darro ayaan dareemeynaa, carruurtii sas ayaa ku
dhacay, quraan ayaa lagu wadaa dhibaatada nasoo gaartay awgeed. Cadaalad wali
ma hayno. Odayga wixii lagu dilay ma garaneyno, hantiile ma ahayn, ganacsade ma
ahayn. Sababta ciidamada shisheeye loogu adeegsaday ma garaneyno. Dowlada
Puntland waa iney raadisaa cadaalad, Mareykankuna waa inuu sharaxaa sababta ay
u dileen odaygeyga,” ayey tiri Xaawo Axmed Cali.
Caasho Maxamed Cabdi Maxamed, hooyada dhashay Caaqilka, ayaa
sheegtay in wiilkeedu uu ahaa nin nabad doon ah oo xiriir dhow la lahaa laamaha
amniga.
“Cumar nin dhib badan ma ahayn, wuxuuna ka shaqeyn jiray
nabadda iyo dhex dhexaadinta. Booliska iyo maxkamadaha ayuu la shaqeyn jiray.
Gaarigiisa qori iyo bastoolad midna ma saarneyn,” ayey tiri Caasho Maxamed.
“Saddex gantaal ayaa lagu dhuftay. Hooyo ahaan, dilkaasi
waxaan u arkaa gardaro toos ah. Laamaha amniga iyo Saciid Cabdullaahi Deni
ayaan ka sugayaa iney ii baadi goobaan dadkii dilay. Cadaaladda wiilkeyga ayaan
sugayaa.”
Caasho Maxamed Cabdi Maxamed, hooyada dhashay Caaqilka
AFRICOM ayaa tobannaan sano ka fulinayay duqeymo gudaha
Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen inay ku beegsanayaan dagaalyahannada
Al-Shabaab iyo Daacish. Inkasta oo taliska Mareykanka uu sheegay in
weerarradiisa si taxadar leh loo qorsheeyo si looga fogaado waxyeellada
shacabka, haddana ururrada xuquuqda aadanaha ayaa dhaliilaya daahfurnaanta iyo
isla xisaabtanka hawlgalladaas.
Dhacdadan ayaa soo jeedisay su’aalo cusub oo ku saabsan sida
loo hubiyo in duqeymaha Mareykanka aysan ku dhicin dad aan wax lug ah ku lahayn
dagaalka — iyo in nidaam cadaaladeed dhab ah loo helo ehelada ay saameeyeen
weerarradaas.