Arbaco, October 8, 2025 (HOL) - Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar taariikhi ah oo Soomaaliya dib ugu wareejinaya maamulka madaxbannaan ee arrimaheeda xuquuqul insaanka, tallaabadan ayaana ka dhigan in dalka laga qaaday kormeerkii caalamiga ahaa ee muddada dheer saarnaa.
Tan iyo 1993-kii, Soomaaliya waxa ay hoos taagneyd dabagal iyo qiimeyn joogto ah oo ay sameynayeen khubaro caalami ah oo xuquuqul insaanka ah, kuwaas oo labo sanadood kasta la magacaabi jiray si ay ula socdaan xaalada gudaha, Go'aanka cusub wuxuu meesha ka saarayaa magacaabistaasi, iyadoo lagu muujinayo kalsoonida beesha caalamka ay ku qabto horumarka Soomaaliya ka sameysay dhismaha hay’adaha iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Guushan ayaa timid kaddib howlgallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay wadeen madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya , Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo hoggaamineysay wafdiga Soomaaliya ee Geneva ku sugan, ayaa ku tilmaamtay go'aanka mid taariikhi ah oo lagu muujiyay horumarka iyo mas’uuliyadda ay Soomaaliya maanta isu diyaarisay.
"Maanta waa maalin kale oo uu shacabka Soomaaliyeed u dabbaaldegayo guul weyn, Waa xaqiijin kale oo muujineysa sida aan ugu taaganahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyadoo mas’uuliyaddan hadda si buuxda gacanta ugu soo gashay dowladda Soomaaliyeed," ayay tiri Wasiir Khadiija.
Tani waxa ay qeyb ka tahay horumarro isdaba-joog ah oo ay Soomaaliya ka gaartay masraxyada caalamiga ah, iyadoo horey loogu qaaday cunaqabateyntii hubka iyo dib loogu helay fursado deyn cafin oo ay Soomaaliya muddo dheer sugaysay.
Go'aanka Geneva ayaa lagu tilmaamay mid niyad-dhis u ah shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dhiirrigelinaya in Soomaaliya sii waddo horumarinta sharciga, dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Waxaa la filayaa in tallaabadan ay kor u qaaddo xiriirka Soomaaliya la leedahay hay’adaha xuquuqul insaanka caalamiga ah, isla markaana ay dhiirrigeliso iskaashi cusub oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha gudaha dalka.