10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2025
Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan amniga iyo arrimaha socdaalka
 

Arbaco, October 8, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda heshiis muhiim ah kula saxiixday Wasiiradda amniga iyo arrimaha gudaha ee dalkaas.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya ayaa heshiiska iskaashi oo ku saabsan amniga iyo arrimaha socdaalka la saxiixday Wasiirka Amniga dalka Uganda Hon. Jim Katugugu Muhwezi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Uganda Maj. Gen. Kahinda Otafiire.

Heshiiskan ayaa la tilmaamay inuu yahay mid la xiriira xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga iyo socdaalka ee qaybta ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiso iskaashiga amni ee gobolka.

"Heshiiskani wuxuu wax badan ka tari doono la-dagaallanka dambiyada abaabulan, argagixisada, iyo hagaajinta nidaamka socdaalka labada dal" ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag. 

Munaasabadda lagu saxiixayay heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Uganda, iyo masuuliyiin kale.