10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2025
Maamulka Waqooyi Bari oo ka hor yimid qorshaha nabadda Ceerigaabo iyo heshiiska Somaliland iyo Puntland
 

Arbaco, October 8, 2025 (HOL) - Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdirashid Yuusuf Jibriil, ayaa qaadacay qorshaha nabadda ee ay Somaliland iyo Puntland ka wadaan gobolka Sanaag, iyo heshiiska ay dhawaan ku kala saxeexdeen magaalada Nayroobi.

Wuxuu sheegay in nabadda Ceerigaabo aanay ahayn mid loo dhan yahay, isaga oo dhaliilay habka ay wax u socdaan, kana tilmaamay mid “baryo” ah. Wuxuu ku dooday in Somaliland ay nabadda kala hadli karto oo keliya Maamulka Waqooyi Bari, maadaama ay labada dhinac kala haystaan maxaabiis isla markaana ay isku hayaan dhul.

“Waxaan isleeyahay arrin ay wax iska weydiin karaan ma aha odayaal kafan xidhay,” ayuu yidhi.

Wuxuu wax lagu qoslo ku tilmaamay heshiiskii ay dhawaan Nayroobi ku kala saxeexdeen Somaliland iyo Puntland, isaga oo sheegay in hadda uu dhismay maamul la yidhaa Waqooyi Bari, isla markaana uu burburay heshiiskii ay Puntland wax kula dhisteen. Wuxuuna intaa ku daray in ay hadda jiraan gobollo la yidhaa Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari iyo Majeerteeniya.

“Inta ay ka fadhiisanayaan ee ay wax kale la baxayaan ha la gaadho, laakiin waxaan isleeyahay heshiiskaas 1998-kii ahaa wuu dhamaaday, iyaguna waa inay aqbalaan Waqooyi Bari, annaguna waanu ku taageeri doonaa wixii kale ee ay la baxaan,” ayuu raaciyey.

Wuxuu sheegay in go’aannada ay soo saaraan wasiiradu aanay beddeli karin xaqiiqda Waqooyi Bari, isla markaana aanay ka arrimin karin dhulkooda, “oo xataa aanay garanayn meesha ay isku marayaan marka ay wada hadlayaan,” sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo sheegay in maamulkoodu uu u dhexeeyo Somaliland iyo Puntland.

Heshiiska Somaliland iyo Puntland ayaa lagu sheegay in uu wax ka tarayo nabadda, iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo ganacsiga, inkasta oo Somaliland sheegtay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha maamulka Waqooyi Bari taas oo Puntland beenisay.