10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisay Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxabannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha
 

Arbaco, October 8, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go'aanka taariikhiga ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku saabsan Qaraarka A/HRC/60/L.14, oo Soomaaliya dib ugu soo celinaya lahaansho buuxa iyo madaxbannaanida ay ku maamuli karto waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalamiga ah ee dhinaca xuquuqul insaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka madaxa-bannaan ee maareynta, kormeerka iyo ka-warbixinta arrimaha xuquuqul insaanka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ay tahay waajibaad qaran oo in ka badan soddon sano laga maamulayay dalka dibaddiisa.

“Maanta waa maalin taariikhi ah maadaama Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo dhinaca dowladnimada ah, isla markaana ay diyaar u tahay in ay si madaxbannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah ee ku aaddan dhowrista iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,” ayuu tilaamay Madaxwayne Xasan Sheekh.

Go'aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, horumarinta xuquuqul insaanka, hannaanka maamulkiisa iyo ballanqaadka wadajirka ah ee lagu ilaalinayo, laguna xaqiijinayo xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Dowladda ayaa u mahadcelisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR), iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah ee garab istaagga joogtada ah u muujiyay Soomaaliya muddadii dheereyd ee ay dib-u-soo kabashada ku jirtay.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in ay sii ambaqaaddo ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinteeda iyada oo la kaashaneysa qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha heer gobol iyo caalami.