10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2025
Dowladda iyo mucaaradka oo isla gartay in dib loo dhigo banaanbaxii maanta ka dhici lahaa Muqdisho
 

Khamiis, October 9, 2025 (HOL) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dib loo dhigay bannaanbax la qorsheeyay inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho kaa oo ay Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Dowladda ay ka heshiiyeen.

Dhinacyada Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in banaanbaxa dib loo dhigay uu ku qabsoomo 10-ka maalmood ee soo socda, waxaana dib udhaca ku keenay ay ahayd sababo la xiriira arrimo amni oo ka dhashay weerarkii dhawaan ka dhacay saldhigga Godka Jilacow.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in go'aankan uu yimid kadib markii ay yeesheen kulan wadajir ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, guddigii dhex-dhexaadinta ee mucaaradka iyo dowladda, iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha ammaanka sida Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska. 

Labada dhinac ayaa isla gartay in la sameeyo guddiyo farsamo oo si wadajir ah uga shaqeeya abaabulka bannaanbaxa si nabad ah u dhaca.

“Waxaan isla qaadanay in la dhiso hannaan amni iyo isfahan ku saleysan si shacabka u banaanbaxaya aysan u la kulmin wax dhibaato ah, dowladda na waxaa laga sugayaa in ay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Bannaanbaxa dib loo dhigay ayaa markii hore loogu talagalay in lagu muujiyo sida mucaaradku uga soo horjeedo barakicinta dadka shacabka ah ee ku noolaa dhulal ay dowladdu leedahay, kuwaas oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.