10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2025
Booliiska Interpol oo hay'adaha amniga Puntland ka caawisay hababka ka hortagga kalluumaysiga sharci darrada ah

Khamiis, October 9, 2025 (HOL) - Booliiska Adduunka ee Interpol oo taageero ka helayay Midowga Yurub (EU) ayaa tababar siiyay howl wadeeno katirsan hay’adaha amniga ee maamulka Puntland, tababarkaas oo diiradda lagu saaray ka hortagga kalluumaysiga sharci darrada ah ee xeebaha Puntland.

Kulankan ayaa waxaa xoogga lagu saarayay muhiimadda ay leedahay isu-duwidda iyo wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan si loo xoojiyo fulinta sharciyada la dagaallanka dambiyada kalluumaysiga.

Xafiiska Midowga Yurub ee  Tababarka Ciidamada Badda (EUCAP) ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan qaab-dhismeedka sharciga ee lagu wajahayo dambiyada kalluumaysiga, iyagoo iftiimiyay habraacyada caalamiga iyo kuwa qaranba.

Tababarkan ayaa kusoo aadaya, xilli xeebaha Puntland uu ka socda kalluumaysi sharci darro ah oo ay ku lug leeyihiin maraakiib iyo doonyo shisheeye oo laga leeyahay badi waddamada Eeshiya.

Wasiirka Kalluumaysiga  Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa dhawaan sheegay in ay Puntland awood u weyday wax ka qabashada kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in sanad kaste ay Puntland ku weydo dhaqaale gaaraya qiyaastii 150 milyan oo Dollar oo kaga luma jariifka ba’an ee lagu hayo kheyraadka ku jira xeebaha Puntland.