10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2025
Puntland oo digniin kasoo saartay roobab kusoo wajahan degaanadeeda oo sababi kara waxyeelo
 

Khamiis, October 9, 2025 (HOL) - Puntland ayaa digniin kasoo saartay roobab xooggan oo la filayo in ay ka da’aan deegaano badan oo ka tirsan gobollada Puntland inta u dhexeysa 9–15 Oktoobar 2025, kuwaas oo sababi kara daadad iyo biyo fariisin.

Hay’adda Puntland u qaabilsan xogta biyaha iyo dhulka ayaa sheegtay in saadaasha cimiladu muujinayso in Taleex, Boocame, Xuddun, Garowe, Laascaanood iyo Burtinle ay heli doonaan roobab u dhexeeya 40 ilaa 100 mm, kuwaas oo kordhin kara khatarta daadadka gaar ahaan meelaha godan iyo biyo mareennada.

Sidoo kale, roobab u dhexeeya 10 ilaa 40 mm ayaa la filayaa inay ka da’aan sida ay hay’aaddu sheegtay, deegaanada Laasqoray, Badhan, Waaciye, Dhahar, Qardho, Bursaalax, Galkacyo, Godobjiraan iyo Jariiban.

Degmooyinka xeebaha sida Xaafuun, Gumbax, Balidhidin, Caluula iyo Qandala ayaa la saadaalinayaa inay helaan roobab yar marka la barbardhigo gobollada kale.

Hay'adda ayaa ugu baaqday bulshada inay muujiyaan feejignaan, gaar ahaan dadka ku nool meelaha ay daadadku mararka qaar galaan, si looga fogaado khasaaraha ka dhalan kara roobabka la filayo.

Digniinta kasoo baxday Puntland ayaa kusoo aadaysa xilli bilihii lasoo dhaafay degaanada Puntland ay wajahayeen abaaro darran oo saamayn adag ku yeeshay xoola dhaqatada iyo beeralayda, taasoo keentay in kumanaan qoys ay barakacaan una baahdaan gargaar degdeg ah.