Hiiraan Online
10/16/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2025
NISA oo shaacisay in duqeyn lagu dilay horjoogahii ka dambeeyay qaraxii lagu weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh
Arbaco, September 10, 2025 (HOL) - Warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysanaa oo Shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.
Horjoogahan la dilay ayaa la tilmaamay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxii lagu weeraray madaxweynaha Xasan Sheekh bishii Marso ee sanadkan 2025 ee ka dhacay Isgoyska Ceel gaabta ee magaalada Muqdisho.
Horjoogahaan ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax oo loo yaqiinay magacyo afgarasho dhowr ah oo kala ah Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macalin Siciid, Timojilac iyo Maxamed Sahal.
NISA ayaa sheegtay in Horjoogahaan lku dishay duqeyn ay la beegsatay gaari uu saarna oo maraayay deegaanka Ugunji oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka NISA kasoo baxay oo dhameystiran:-