10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan La Qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya
 

Axad, September 14, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley, oo ay wehliyeen Kuxigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger, oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha.

Safiirka Mareykanka ayaa inta lagu guda jiray kulanka ku ammaanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka hoggaankiisa muuqda iyo kaalinta uu ku leeyahay horumarinta shaqada Golaha, gaar ahaan dhanka meelmarinta sharciyada muhiimka ah ee dhismaha dowladnimada, iyo xoojinta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay doorka Mareykanka ee ku aaddan horumarinta hay’adaha dowladda, kor u qaadista amniga, iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, si loo gaaro horumar waara oo dan u ah labada shacab.