Axad, September 14, 2025 (HOL) - Ciidamada Ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka, ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay dhul howd ah oo hoos yimaada deegaanka Raaskambooni ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka oo ay fuliyeen cutubka Hanqadh, ayaa ka dhacay dhowr tuulo oo ka tirsan Raaskambooni. Intii lagu guda jiray howlgalka, ciidamadu waxay heleen daawooyin iyo agab kale oo la rumeysan yahay in ay halkaasi kaga tageen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamisa ciidamada sirdoonka Jubbaland, ujeedka ugu weyn ee howlgalka wuxuu ahaa in la hortago weerarro qorsheysan oo Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada iyo goobo kale oo muhiim ah oo ku yaalla Raaskambooni.
Maalmihii u dambeeyay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si firfircoon uga waday howlgallo amni xaqiijin ah gobollo kala duwan oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo, iyaga oo beegsanaya meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab.
Hoggaanka ciidamada ayaa tilmaamay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo horudhac u ah qorshayaal waaweyn oo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana ay ka tarjumayaan go’aanka Jubbaland ee ah in la ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona sugo nabadgelyo shacabka.