10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 14, 2025
Somaliland oo amaro cusub kusoo rogtay dadka ajinabiga ah ee u safraya dhulkeeda

Axad, September 14, 2025 (HOL) - Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland ayaa ku dhawaaqay shuruudo cusub oo la xidhiidha  sida dadka ku safraya madaaradeedu  ay u qaadanayaan fiisaha (Visa On Arriva), kadib markii ay Somaliland diiday nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee ay waajibisay dowlada Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxday ciidanka ayaa lagu faahfaahiyay shuuruudaha cusub ee looga baahanyahay  qofka doonaya inuu si toos ah dal ku gal ugu qaato Madaarada Somaliland.

Shuruudaha waxa kamid ah: In uu sito baasaaboor ansax ah oo ay dhicistiisa ka hadhsan yihiin ugu yaraan lix bilood, in uu haysto tigidhka laabashada ama noqoshada, in uu wato cadayn dhaqaale ku filan inta uu joogayo Somaliland, in uu bixiyo cinwaanka goobta uu degi doono ama magaca qofka uu ku socdo(sponsor), iyo in uu ku bixiyo lacagta dal ku galka Madaarka, haddii aanu hakad ku ahayn (transit), oo uu caadi ugu socdo Somaliland.

Ciidanka socdaalku waxay intaas ku dareen in shuruudahan aan lagu dabaqi doonin muwaadiniinta Somaliland ee sita baasaaboorada shisheeye, sida qurbo-joogta iyo Soomaalida kale ee heysta baasaboorada dalalka kale.

Sidoo kale, war-saxaafadeedku wuxuu xusay in socotada ka soo galaya xuduudaha badda iyo berriga looga baahan doono inay dal ku galka ka soo qaataan xafiis wakiileedyada Somaliland ee dalalka dibadda. Waxa kale oo lagu sheegay in codsiyada loo gudbin karo Taliska Ciidanka Socdaalka.

Somaliland ayaa ku gacan saydhay nidaamka cusub ee fiisaha ee ay dowladdu federaalka Soomaaliya ku amartay dhammaan dadka u socdaalaya Soomaaliya, oo ay Somaliland ku jirto, in ay dal-ku-galka kaga codsadaan mareegta internet-ka ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya, ka hor inta aanay kiraysan diyaaradda ay ku safri doonaan.

Nidaamkan cusub ayaa caqabad ku ah nidaamka ay Somaliland isticmaasho, kaas oo dalku-galka lagu bixiyo madaarrada Somaliland.
Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa isaguna diiday nidaamka cusub ee ay soo rogtay dowladda federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa nidaamkan cusub u aragta mid ay ku ballaadhinayso awoodeeda maamulka, isla markaana ay si buuxda ula wareegayso maamulka hawada Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.