Isniin, September 15, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u dhaliilay hab-dhaqanka dowladda ee ku aaddan guuldarradii ciidanka Qaranka ee ka dhacday deegaanka Cowsweyne, isagoo sheegay in dhacdadaasi ay sababtay burbur iyo kala daadsanaan baahsan oo ku timid hay’adda ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Sheikh Shariif ayaa sheegay in khasaaraha xooggan ee ciidamada Soomaaliya kasoo gaaray dagaalkii Cowsweyne uu gabi ahaanba dumiyay nidaamkii taliska iyo isgaarsiinta ciidamada Qaranka, taasoo keentay in ciidamadii la isku halaynayey ay kala daataan.
“Cowsweyne waxay ahayd meel ciidan Soomaaliyeed lagu burburiyay, Halkii laga samatabixin lahaa ciidanka, dowladda waxay dooneysay inay indhaha bulshada ka jeediso arrintaas, iyagoo riixaya wax ka beddelka Dastuurka si hal dhinac ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynihii hore wuxuu sheegay in halkii ay dowladda ka qaadi lahayd tallaabooyin degdeg ah oo lagu mideynayo, dibna loogu abaabulayo ciidamada, ay taa beddelkeeda ku tiirsanaatay hubeynta Beelaha qaar, taasoo uu ku tilmaamay khatar halis ah oo wiiqi karta qarannimada iyo dowladnimada Soomaaliya.
Dhaliishan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Federaalka ay wajahayo cadaadis gudaha ah iyo mid caalami ah oo ku saabsan sida ay u maaraysay amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo arrimaha dib-u-eegista Dastuurka KMG ah.
Hadalkan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee dalka ayaa si cad u muujinaya kalsooni darrada sii kordheysa ee ka dhex jirta hoggaanka sare ee siyaasadda dalka, waxaana uu sare u qaadayaa su’aalaha ku saabsan, Halka ay dowladda ka damacsan tahay arrimaha dib u dhiska ciidan Qaran oo mideysan, Doorka beelaha iyo hubka ay haystaan ee ku beddelmay ciidamada qaranka, Saameynta ay leedahay siyaasadda Dastuurka oo lagu tilmaamay inay tahay isku day lagu leexinayo dareenka shacabka.