10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2025
Soomaaliya oo Ansixisay Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED)

Isniin, September 15, 2025 (HOL) - Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shir sare oo lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED). Shirka ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga hay’adaha amniga ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si wax looga qabto khatarta qaraxyada lagu sameeyo si farsamaysan.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, La-taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, Saraakiil ka socday CXDS, Booliska, NISA, iyo wasaarado kale, Safiirrada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in isku xirka taageerada caalamiga ah iyo helitaanka qalab casri ah ay yihiin tiirar muhiim u ah guusha qorshahan, isagoo xusay in istaraatiijiyaddu ay si toos ah u saameyn doonto awoodda ciidamada iyo kalsoonida shacabka.

Dhankiisa, Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa tilmaamay in istaraatiijiyaddan ay si cad u qeexayso doorka sharciyeed, hay’adeed iyo farsamo ee Soomaaliya kaga hortagayso khatarta qaraxyada, isagoo ku tilmaamay tallaabo dhabbaha u xaaraysa nidaam amni oo mideysan.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa istaraatiijiyadda ku tilmaamay ballanqaad qaran oo ka tarjumaya hoggaan mideysan iyo rabitaanka dowladda ee ah in si joogto ah loo ciribtiro qaraxyada macmalka ah, isagoo muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo garab istaagga saaxiibada caalamka.

Safiirrada Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, iyo wakiillada kale ee shirka ka hadlay, ayaa si isku mid ah u taageeray istaraatiijiyaddan, iyagoo sheegay in ay tahay qorshe wax ka beddeli kara xasilloonida amniga gudaha Soomaaliya.