10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 16, 2025
Safaarada Soomaaliya ee Ankara oo sheegtay in ardey Soomaaliyeed ay u gaareen Baku Deeq Waxbarasho ay kaheleen Azerbaijan
 

Talaado, September 16, 2025 (HOL) - Safaarada Soomaaliya ee Ankara ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhoweynta ardayda Soomaaliyeed ee gaartay magaalada Baku, dalka Azerbaijan, iyada oo ay qeyb ka yihiin Barnaamijka Deeqaha Waxbarasho ee Dowladda Azerbaijan ee Isdhexgalka Dowladda.

Arday tiradoodu gaarayso 19 ayaa horey u gaaray Baku, iyadoo la filayo in 9 kale ay gaaraan dhowaan, taasoo tirada guud ee sanadkan ka dhigeysa 28 arday oo deeq waxbarasho helay.

Ardaydan ayaa baran doona culuum muhiim ah oo ay ka mid yihiin sayniska batroolka, injineerinka, caafimaadka, iyo cilmiga kombiyuutarka. 

Ardayda waxaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Baku, halkaas oo ay ka qayb qaateen masuuliyiin ka socday safaaradda Soomaaliya ee Ankara, oo uu ka mid ahaa Xoghayaha Koowaad ee safaaradda, Ibrahim Ali Abshir, iyo sidoo kale wakiillo ka socday jaamacadaha martida loo yahay.

Safiirka Soomaaliya ee Ankara Danjire Fatxudin Cali Ospite ayaa ujeediyay ardeydaasi hambalyo kalgacal leh dhammaan, isagoo ku booriyay in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan si ay ugu guulaystaan waxbarashadooda, uguna adeegaan horumarka dalkooda iyo mustaqbalkoodi.