10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 16, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in la qaado tallaabo mideysan oo Dowlad loogu aqoonsanayo Falastiin
 

Talaado, September 16, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay Shirka Degdegga ah ee Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar, kaasoo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka, gaar ahaan xadgudubka Israa’iil ee ka dhanka ah madaxbannaanida iyo amniga dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka ku caddeeyay mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku aaddan taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilli ay wajahayaan falal cad oo lagu waxyeeleynayo madax-bannaanidooda iyo nabadgelyadooda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si xooggan u xusay mowqifka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay mar walba ku garab taagneyd arrinta Falastiin. 

Wuxuu ku baaqay in la qaado tallaabo mideysan oo caalami ah si loo xaqiijiyo dhismaha dawladda Falastiin ee madax-bannaan, iyadoo Al-Quds (Qudus) ay noqoneyso caasimaddeeda rasmiga ah ee Falastiin.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka jiraan gobolka, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeybgalka shirka u adeegsaday fursad uu ku muujiyo mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku saleysan cadaaladda, madax-bannaanida qarannimada, iyo garab istaagga ummadaha la dulmiyay.