Talaado, September 16, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan dib loogu qaban doonin doorashooyin dad ban oo lagu qabto Teendhada, isagoo tilmaamay in si khaldan loo fasiray heshiiskii ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah axsaabta mucaaradka.
Raysal wasaare Xamse ayaa carrabka ku adkeeyay in baarlamaan ku yimid hab qabiil uusan mar kale dooran doonin madaxda qaranka, isla markaana uu dalku ku wajahan yahay doorashooyin dadweyne oo ay ku tartamayaan 53 xisbi siyaasadeed. Wuxuu xusay in dowladda iyo mucaaradkuba ay isla qaateen in dalku ku guuro nidaamka doorashada dadban.
“Waxaan ka guurnaynaa xildhibaan uu oday dhaqameed ama dowlad goboleed soo qoray. Waxaan rabnaa xildhibaan ay shacabka Soomaaliyeed soo doorteen, si uu isaga doorto madaxda qaranka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in waqtiga u haray xukuumaddiisa uu ku filan yahay in lagu qabto doorashooyinka dowladaha hoose iyo kuwa baarlamaanka, isla markaana wuxuu sheegay in dowladdu horey u diyaarisay dhammaan agabka iyo qorshayaasha looga baahan yahay doorasho qof iyo cod ah.
Isagoo ka jawaabayay eedeymo sheegaya in dowladda ay ka laabatay in madaxweynaha ay doortaan shacabka — sida ku xusnaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray madaxtooyada iyo xubno ka mid ah mucaaradka — Xamse wuxuu caddeeyay in arrintaas weli hortaalo Baarlamaanka Soomaaliya oo aan wali go’aan kama dambeys ah laga gaarin.
Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeediyay kulan dadweyne oo xalay su’aalo lagu weydiinayay, isagoo faahfaahinayay waxqabadka xukuumaddiisa saddexda sano ee ay jirtay.