Talaado, September 16, 2025 (HOL) - Koox dabley ah ayaa saakay magaalada Gaalkacyo ku dishay Ganacsade lagu magacaabo Siyaad Cali Xirsi oo kamid ahaa ganacsatada aadka looga yaqaanay Gaalkacyo.
Dilkaan ayaa xiriir laleh aanooyin qabiil oo kusoo badanaya magaalada Gaalkacyo. Ganacsadaha la dilay ayaa wuxuu kasoo jeedaa mid kamid ah labo beelood oo dhawaan diriri ku dhexmartay xaafadda Horumar ee magaalada Gaalkacyo, taasoo sababtay geerida labo qof.
Weerarka saakay lagu dilay ganacsadahan waxaa ku dhaawacmay haweeney ku sugnayd goobta uu falku ka dhacay. Dableydii falkaan ka dambeysay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo laamaha amnigu ay tageen goobta markii uu falku dhacay kaddib
Colaadda Waqooyiga Gaalkacyo ayaa noqotay mid faraha ka baxday, iyadoo dadka haldoorka ah ay bartilmaameed u noqdeen aanooyinka qabiilka.
Maalmo ka hor waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Dr. Cumar Cabdi Daahir oo ku dhintay Iska hor imaadkii Gaalkacyo ka dhacay todobaadkii hore.
Maamulka Gobolka Mudug iyo waxgaradka degaanka ayaa ku guulaysan waayay inay xal u helaan colaadda beelaha ee noqotay mid xargaha goostay.