Talaado, September 16, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay qeybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in kormeerkiisa uu la xariiro ka jawaabista dareen ka yimid shacabka Soomaaliyeed oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Muqdisho.
"Waxaan ku imid anigu dareen shacab oo ka soo calaacalay meeshan inaan soo fiiriyo waxay shacabku sheegayeen iyo wax ka sii liito ayaana ka muuqda meshan Maareeyaha iyo Wasiirka sabab ay kusii joogaan meeshan garan maayo hadiiba dadku sidan ku shaqeynayaan" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Xamse Cabdi Barre ayaa faray Wasaaradda Duulista Hawada iyo maamulka garoonka iney isbadal dhab ah la yimaadaan oo sida dadka Soomaaliyeed yaqaanaan wax loogu sameeyo.
"Ma ahan halkan Istanbuul waa in dhaqanka dad Soomaaliyeed leeyihiin loo sameeyo Musqulaha garoonka, ma ahan in dadku ku dhibtoodaan waa in waxay yaqaanaan loo sameeyo oo la badala dhamaan musqulaha garoonka" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Raysal wasaaraha ayaa xusay in todobaad kadib uu soo kormeeri doono waxa iska badalaya adeegyada garoonka Aadan Cadde oo ay kasoo cawdeen dadka Soomaaliyeed.
Talaabadaan uu maanta qaaday Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee ku safra garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay cabasho ka muujiyeen Nadaafadda iyo caqabadaha ka jira garoonka Aadan Cadde.