10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Saameynta Biyo-xireenka Itoobiya uu ku leeyahay Gobolka
 

Arbaco, September 17, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in mashruuca biyo-xireenka Itoobiya uu saameyn weyn ku yeelanayo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka ay wabiga Niil maro sida Masar iyo Suudaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in arrintani ay tahay mid xasaasi ah oo u baahan wada-hadal iyo iskaashi dhaxalgal ah si loo gaaro xal waara oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada ay arrintu quseyso.

Isagoo la hadlayey telefishinka Al-Arabiy, ayuu madaxweynuhu caddeeyey in xiriirka Itoobiya uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay Masar. 

Waxa uu carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka gobolka, iyadoo aan la abuurin xiisado hor leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Masar ay si weyn u taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, taageerada logistiga, iyo xoojinta amniga, Tani waxay muujinaysaa xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Masar inay ka qayb qaadato dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale sheegay in wararka sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxi karo Itoobiya iyo Ereteriya ay yihiin shaki iyo mala-awaal aan sal lahayn, isagoo sheegay in aysan jirin calaamado muujinaya in dagaal soo fool leeyahay.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa iftiimiyey xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya la leedahay Boqortooyada Sacuudiga, xiriir soo jiray qarniyo badan, Waxa uu sheegay in labada dal ay hadda wadaan dadaallo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo horumarka.