Arbaco, September 17, 2025 (HOL) - Golaha Dhaqanka iyo Guurtida gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa warqad ay u direen madaxda Puntland ku dalbaday in si degdeg ah looga jawaabo dilka caaqil Cumar C/Laahi Cabdi Ibraahim oo 13-kii Sebtembar lagu dilay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday gaari uu la socday xilli uu ka yimid Ceelbuuh kuna sii jeeday Badhan.
Golaha ayaa sheegay in caaqilka la dilay uu ahaa oday samatalis ah oo si weyn looga yaqaanay dalka, gaar ahaan doorkiisa ku aaddan nabadda, wadajirka iyo amniga bulshada, taasoo ay sheegeen inaysan marnaba bannayn karin beegsigiisa.
Waxay ku eedeeyeen Puntland in ay ilaa hadda ka aamusan tahay weerarka lagu dilay caaqilka iyo diyaaradaha muddada toddobaadyada ah ku dul wareegayay gobollada Sanaag iyo Haylaan, iyagoo xusay in shacabka deegaanka ay si xooggan uga cabanayeen diyaaradahaas.
Golaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si cad loo ogaado cidda ka dambeysay weerarka diyaaradeed ee lagu dilay caaqilka, waxa loo beegsaday, iyo sababta Puntland uga hadli la’dahay dhacdadan culus.
Waxay sidoo kale tilmaameen in jawaabta Puntland ay go’aamin doonto sida ay iyagu uga falcelin doonaan dhacdadan, taasoo ay ku sheegeen mid saameyn weyn ku leh amniga iyo nabadgelyada bulshada deegaanka.
Golaha Dhaqanka ayaa ugu dambeyn sheegay in dhacdadan aan la iska indho tiri karin, ayna ka dhalan doonto talo guud oo mug iyo miisaan leh oo ku saabsan mustaqbalka amniga iyo wadajirka bulshada deegaannadooda.