Arbaco, September 17, 2025 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa guddoomiyaha hay'adda maareynta iyo musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle kala hadlay sidii gargaar bani aadamnimo loo gaarsiin lahaa deegaanada laga xureeyay kooxda Al-shabaab.
Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin ayaa sheegay in Hay’adda ay ka go’an tahay sidii gurmad bani'aadamnimo loo gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaannadii ugu dambeeyay ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka qabsadeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa balanqaaday inuu Hay’adda SODMA ka gacan siinayo sidii gargaarka ay hayso loo gaarsiin lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ay ka jiraan xaaladaha dhanka bani'aadamnimada.
"Si loo xaqiijiyo iskaashi buuxa, labada mas'uul waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay'adda SoDMA. Guddigaan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay'adda SoDMA.
Kulankan maanta dhexmaray Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo Guddoomiyaha SoDMA ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaanadii laga xureeyay dhawaan kooxda Al-shabaab laga soo sheegayo iney ka jiraan xaalado adag oo dhanka bani’aadanimada ah.