10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2025
Howlgal laga fuliyay Shabeellaha Hoose oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab
 

Arbaco, September 17, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen aroornimadii hore ee saakay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. 

Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo la tilmaamay iney dhibaato xoogan ku hayeen dadka beeraleyda ee ku nool degmadaas.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in howlgalkan lagu dilay ilaa todobo xubnood oo ka tirsana kooxda, islamarkaana lagu dhaawacay tiro intaas ka badan..

"Argagixisadu waxay si ula kac ah biyo ugu fureen beeraha, iyaga oo ujeedkoodu ahaa in lagu curyaamiyo beerashada iyo ganacsiga dadka deegaanka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya. 

Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaarada Difaaca dalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay sii wadista howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab inta laga xaqiijinaayo amniga guud ee dalka.