10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2025
Khilaafka Siyaasadeed oo ka dhex qarxay Ilhan Omar iyo Nancy Mace
 

Khamiis, September 18, 2025 (HOL) - Waxaa si weyn u soo shaac baxay muran siyaasadeed oo kulul oo u dhexeeya Xildhibaan Ilhan Omar (Democrat, Minnesota) iyo Xildhibaan Nancy Mace (Republican, South Carolina), taas oo sababtay hadallo weerar ah, eedeymo culus, iyo baaqyo ku saabsan in Ilhan laga eryo Congress-ka Mareykanka, lagana xayuubiyo dhalashada Mareykanka.

Nancy Mace waxay baraha bulshada ku soo qortay qoraal ay ku weerarayso Ilhan Omar kadib markii ay Ilhan dib u baahisay muuqaal lala xiriirinayo Charle Kirk oo ahaa hogaamiye ka tirsan garabka midig ee xagjirka ah kaasoo si dadban loogu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa hadallo keeni kara kicinta rabshado, Mace waxay ku eedeysay Ilhan iney "difaacday dilka" Charlie Kirk.

Sidoo kale, Mace waxay tusaale u soo qaadatay hadal hore oo Ilhan Omar ka sheegtay sanadkii 2022, oo ay ku sheegtay in xorriyadda hadalka aysan dadka ka difaaceynin cawaaqibta bulshada sida ceebeynta ama go'doominta.

“Haddii aad u dabaal-degeysid dil, waa in Soomaaliya dib laguugu celiyaa.” ayay Mace baraha Bulshada la wadaagtay

Ilhan Omar  oo qaxooti ahaan uga soo carartay Soomaaliya xilligii dagaalkii sokeeye, kuna soo kortay Mareykanka ayaa si kulul ayay uga jawaabtay waxaana ay tiri “Waan ogahay inaadan fiicnayn, mana tihid qof caqli badan, balse waxaan rajaynayaa in qof kuu sheego in wax xiriir ah aysan u dhaxaynin xilalka guddiyada Congress-ka iyo tarxiilka, Xitaa haddii aad iga saarto guddiyadaas, xafiiskaygu wuxuu weli ku ag yaali doonaa midkaaga, aniguna Congress-ka waan sii joogayaa.”

Mace waxay hadda hor dhigaysaa Congress-ka soo jeedin rasmi ah oo ku aaddan in Ilhan Omar laga saaro guddiyada Congress-ka, iyadoo ku eedeynaysa hadallo iyo ficillo ay sheegtay inay ceebaynayaan dalkooda.

Sidoo kale, xildhibaan kale oo Republican ah, Randy Fine (Florida), wuxuu bartiisa ku qoray: "Ilhan Omar (Democrat – Soomaaliya) looma ogolaanin inay dalkeena soo gasho markii horeba."

Ilhan Omar waxay sheegtay in eedeymaha Mace ay yihiin been abuur, ayna tahay dadaal Mace ku raadineyso iney dhaqaale ku soo xareyso ololaheeda siyaasadeed ee gobolka South Carolina, Waxay sidoo kale sheegtay in hadallada Mace ay yihiin kuwo cunsuriyad iyo nacayb ku dhisan, kana tarjumaya aragtiyo neceb dadka kasoo jeeda asalka qaxootiga.

Muran siyaasadeedkan wuxuu iftiiminayaa kala-qaybsanaanta weyn ee ka dhex jirta Congress-ka Mareykanka, gaar ahaan marka ay timaado arrimaha la xiriira qaxootiga, dhalashada, iyo xorriyadda hadalka, Waxaa la filayaa in dhowaan Golaha Wakiillada Mareykanka uu u codeeyo soo jeedinta Mace ee ah in la cambaareeyo ama laga saaro Ilhan Omar guddiyada Congress-ka.