10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2025
Soomaaliya oo ka qeyb gashay Madasha Caalamiga ah ee difaaca Xiangshan Forum
 

Jimco, September 19, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa dalka Shiinaha ka qeyb galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum.

Madashan oo aheyd mid heer caalami ah ayaa waxaa isugu yimid Wasiirada gaashaandhiga iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal, waxaana sidoo kale goob joog ka aheyd furitaanka madashaan Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr. Hodan Cismaan oo ka qeyb qaadatay kulamada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.

Shirweynahaan oo halku dhiggiisu ahaa “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah” ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida.

"Ka qeybgalka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wadahadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. 

Ugu dambeyntii madashan heerka caalami ah oo ay ka qeyb galeen ergo tiro ahaan gaaraysa 1,800 ergo oo isugu jiray wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socday ururo caalami ah ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeyn doona magaalada Beijing ee dalkaasi Shiinaha.