10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2025
Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duuleedka Kismaayo

Jimco, September 19, 2025 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska DANAB oo kaashanaaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeyay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. 

Howlgalada ciidanku is garabsanaya ay ka sameeyeen duuleedka Kismaayo ayaa ahaa kuwa miina baaris ah oo ay si gaar uga sameeyeen wadooyinka muhiimka u ah isu socodka deegaanada Jubada Hoose.

Saraakiisha ciidanka Kumaandooska Danab ee howlgalkaan hoggaaminaayay ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortagi lahaa khatarta ka dhalan karta miinooyinka ay wadooyinka ku aaseen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Howlgalkaan miino baarista ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay dhowr jeer miinooyin ku qarxeen gaadiid ay la socdeen dad rayid, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay si wadajir ah uga sameynaayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.