10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2025
Maraykanka oo dacwad kusoo oogay Soomaali loo haysto inay lunsadeen dhaqaale dad danyar ah guryo loogu dhisi lahaa
 

Jimco, September 19, 2025 (HOL) - Dacwad-oogaha Mareykanka ee Minnesota ayaa ku dhawaaqay dacwado lagu soo oogay siddeed qof oo 6 kamid ah ay yihiin Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay malaayiin doolar ka xadeen barnaamijka guryaha ee gobolka Minnesota , kaas oo uu ku tilmaamay mid musuqmaasuq hareeyay.

Ku-simaha dacwad-oogaha guud ee Mareykanka, Joseph Thompson, ayaa sheegay in dadkaas ay xadeen malaayiin dollar oo ay dowladda Maraykanka ugu talo gashay in ay daryeel caafimaad ku helaan dadka dakhligoodu hooseeyo.

Dadka la eedeeyay waxay kala yihiin; Moktar Hassan Aden, 30 jir, Mustafa Dayib Ali, 29 jir, Khalid Ahmed Dayib, 26 jir, Abdifitah Mohamud Mohamed, 27 jir, Christopher Adesoji Falade, 62 jir, Emmanuel Oluwademilade Falade, 32 jir, Asad Ahmed Adow, 26 jir, iyo Anwar Ahmed Adow, 25 jir.

Thompson wuxuu sheegay in dadka la tuhunsan yahay ay barnaamijka Medicaid ka qaateen lacago iyagoo aan adeegyo bixin. Wuxuu xusay in dadka loogu talo galay adeeggan aysan badankooda helin guryo ay deggaan oo ay si weyn ugu baahnaayeen.

Wuxuu intaas ku daray in tani ay tahay wareegii koowaad ee eedeymaha barnaamijka guriyaynta, isla markaana la filayo in eedeymo kale ay soo socdaan.

Barnaamijkan wuxuu hoos yimaadaa Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Minnesota, waxaana hore loogu eedeeyay musuqmaasuq baahsan. Warqad baaritaan oo federaalku sameeyay ayaa sheegtay in shirkado si been abuur ah u sheegteen in ay yihiin adeeg-bixiyayaal, halka aanay jirin wax adeegyo ah oo dhab ahaan la bixiyay.

Markii barnaamijku bilaabmay 2020, waxaa lagu qiyaasay inuu ku kacayay $2.5 milyan sanadkii. Laakiin 2021 kharashaadkii wuxuu gaaray $21 milyan, waxaana 2022 uu ku booday $104 milyan. 

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Waaxda Adeegyada Aadanaha, Shireen Gandhi, ayaa sheegtay in eedeymaha maanta lagu dhawaaqay ay ka dhigan yihiin natiijada iskaashi joogto ah oo u dhexeeya waaxdeeda iyo laamaha fulinta sharciga. Waxay sidoo kale sheegtay in falkan uu noqdo digniin u ah cid kasta oo lacag ka xada canshuur-bixiyeyaasha Minnesota, iyada oo balan qaaday in dambiyada noocan ah si buuxda loo dacweyn doono.

Eric Grumdahl, oo ahaa ku xigeenka komishanka ee la dagaalanka hoy la’aanta iyo taageerada guryaha ee DHS, ayaa xilka iska casilay Talaadadii, wax yar ka hor kulan Golaha Wakiillada ee Minnesota ay uga hadli lahaayeen musuqmaasuqa HSS. Lama oga sababta rasmiga ah ee iscasilaadiisa, mana uu ka mid ahayn dadka la dacweeyay.

DHS waxay sheegtay inay wado qorshe lagu joojinayo barnaamijka HSS gabi ahaanba, maaddaama uusan lahayn nidaamyo awood leh oo lagu hor istaago dadka khiyaamada sameeya.