Jimco, September 19, 2025 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa saacadihii u dambeeyay meel mariyey qaraar lagu soo celinayo cunaqabataynta saarnayd Iran.
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 9 dal oo u codeeyay in cunaqabataynta dib loogu soo celiyo Iran, halka 4 dal oo ay ku jiraan Ruushka iyo Shiinaha ay diideen. Laba dal ayaa ka gaabsaday codbixinta.
Qaraarkan loo yaqaanno “dib-u-celinta” (snap back mechanism) ayaa dhigaya in cunaqabatayntii Iran dib u dhaqangeli doonto 28-ka Sebtembar, haddii aysan Tehran aqbalin baaqyada Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ku saabsan joojinta barnaamijka nukliyeerka iyo gantaalaha ridada dheer.
Israa’iil ayaa qorshahan ugu magac dartay “Qorshaha Libya”, iyada oo ka dhigan in Iran lagu khasbo waddadii horey loogu mariyey Libya.
Diblomaasiyiin badan ayaa qaraarkan ku qeexay bilow wajigii labaad ee cadaadis siyaasadeed iyo mid ciidan oo Mareykanka iyo Israa’iil ay ku doonayaan in lagu saameeyo Iran.
Arrintaas waxaa sii hurinaysa taageerada Iran ay siiso kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Israa’iil, oo ay ku jiraan Xisbullah ee Lubnaan, Xamaas, ururada Ciraaq iyo kooxaha Yemen.
Iran ayaa horey u sheegtay in aysan marnaa oggolaan doonin hub-ka-dhigis iyo waliba in ay joojiso taageerada ay siiso kooxaha iska caabiya Israa’iil ee kala ah Xisbullah Lebanon, Yemen, X^amaas, iyo ururada Ciraaq.