10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 20, 2025
Wasiir Cali Balcad oo la kulmay Senator Ted Cruz oo u ololeeya aqoonsiga Somaliland
 

Sabti, September 20, 2025 (HOL) - Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad), ayaa la kulmay Senatorka Maraykanka Ted Cruz oo kamid ah dadka u ololeeya aqoonsiga maamulka Somaliland.

Wasiir Balcad ayaa uga mahadceliyay Cruz kulanka, isagoo adkeeyay kaalinta Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga Geeska Afrika.

Wuxuu sheegay in taageerada joogtada ah ee Mareykanka ay muhiim u tahay in laga adkaado Al-Shabaab isla markaana lagu sugo marin-biyoodka ganacsiga ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

“Aan xoojino iskaashigeenna si Soomaaliya u noqoto mid xasilloon oo barwaaqo ah,” ayuu yiri wasiirka Balcad. Wuxuuna ka gaabsaday inuu xaqiijiyo in arrinta aqoonsiga Somaliland laga hadlay kulanka.

Cruz dhawaan ayaa ku booriyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu aqoonsado Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay doorashooyinkeeda nabadeed iyo goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo Somaliland.

Wuxuu ku dooday in Somaliland ay noqon karto xulafo amni oo Mareykanka ah haddii ay martigeliso saldhig ciidan oo Maraykan ah meel u dhow marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Baabul-Mandab.

Cruz wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Shiinaha inuu taageerayo Muqdisho si uu u wiiqo himilooyinka Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay mamnuucistii Soomaaliya ee ku saabsan socdaalayaasha wata baasaboorrada Taiwan.

Mareykanka wuxuu taageeraa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo la jaanqaadaya Midowga Afrika, mana aqoonsana Somaliland si rasmi ah inkasta oo uu kula shaqeeyo arrimaha amniga gobolka.

Kulanku wuxuu muujinayaa in Cruz uu u furanyahay wadahadal lala yeesho mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, xilli uu weli ku guda jiro ololihiisa Washington uu ku taageerayo madaxbannaanida Somaliland.