Sabti, September 20, 2025 (HOL) - Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa shaacisay liis cusub oo ah wadamada laga mamnuucay in muwaadiniintooda la siiyo fiisooyinka gelitaanka Imaaraadka laga bilaabo sanadka 2026, Go’aankan ayaa lagu faahfaahiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraadka, waxaana lagu sheegay in liiska lagu daray Soomaaliya.
Sidoo kale, wadamada kale ee go’aankan saameeyay waxaa ka mid ah, Afghanistan, Libya, Yemen, Lebanon, Bangladesh, Cameroon, Sudan, iyo Uganda, Inkasta oo dowladda Imaaraadka aysan si rasmi ah u caddeyn sababaha ka dambeeya go’aankan, hadana warbixinno soo baxaya ayaa tilmaamaya in go’aanka uu la xiriiro walaac dhanka ammaanka ah iyo xaaladaha degganaansho-darro ee ka taagan qaar ka mid ah wadamada la mamnuucay.
Go’aanka lagu daray Soomaaliya ayaa si gaar ah u taagan, maadaama uu jiro xiriir ballaaran oo laba geesood ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaas oo ku saleysan iskaashi dhinacyada ganacsiga, ammaanka, iyo siyaasadda.
Lama oga illaa hadda sida uu go’aankan cusub u saameyn doono xiriirkaas, balse khubaro siyaasadeed ayaa sheegay in uu noqon karo caqabad ku timaada is-dhexgalka labada dal, gaar ahaan dhinacyada socdaalka, ganacsiga, iyo maalgashiga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan, Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in Muqdisho ay mowqif cad ka soo saarto maalmaha soo socda, maadaama xayiraaddan fiiso ay yeelan karto saameyn ballaaran oo ku saabsan socdaalka dadka Soomaaliyeed ee ugu socdaala shaqo, caafimaad, ama ganacsi.