10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2025
Kenya oo ka digtay khatarta ka dhalan karta in caalamku kasii jeesto arrimaha Soomaaliya

Axad, September 21, 2025 (HOL) - Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Musalia Mudavadi ayaa ka digay in hoos u dhaca xiisaha caalamka ee Soomaaliya uu wiiqi karo guulihii laga gaaray Alshabaab.

Isagoo ka hadlayey shir-madaxeedka Qaramada Midoobay (UNGA) ee New York, Mudavadi wuxuu sheegay in Kenya iyo dalal kale oo safka hore kaga jira ay kali ku noqdeen dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya, iyadoo taageeradii iyo fiiro-gelintii caalamiga ahayd ay sii yaraanayso.

“Waxaa kordhaya daalka caalamiga ah sababo la xiriira dagaallo kale iyo isbeddelka jihada dareenka. Taageerada beesha caalamka aad bay hoos ugu dhacday, dalal sida Kenya oo kale ahna waxay qaadeen culays weyn,” ayuu yiri Mudavadi.

Kenya waxay hadda ku leedahay Soomaaliya ku dhowaad 3,000 oo askari oo ka tirsan Hawlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Mudavadi wuxuu uga digay in haddii Kenya ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya uu ka dhalan karo farqi amni oo khatar badan, kaas oo aysan diyaar u ahayn cid kasta oo caalami ah inay buuxiso.

Mudavadi wuxuu hadalladan ka sheegay kulan uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qubrus, Dr. Constantinos Kombos, halkaas oo labada dal ay ku kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) ku saabsan iskaashiga beeraha iyo horumarinta xoolaha.

Isagoo hambalyeyn u diray Qubrus oo dhawaan hoggaamin doona Golaha Midowga Yurub, Mudavadi wuxuu ku dhiirrigeliyay in dalkaasi uu mudnaanta siiyo arrimaha Soomaaliya si dib loogu soo celiyo miiska siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub.

“Waa nasiib darro haddii dal horumar ka sameeyay dagaalka argagixisada, isla markaana ku dhow dhammaadka halganka, uu dib u laabto haddii aan la taageerin. Ma fiicna in dheri la jebiyo iyadoo biyihii masaafo dheer laga soo qaaday,” ayuu yiri.

Mudavadi wuxuu intaas ku daray in Midowga Afrika (AU) uu horey ugu culays badan yahay dhibaatooyin badan oo ka socda qaaradda, sida Suudaan, Koonfurta Suudaan, Saaxil iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

“AU aad buu ugu daalan yahay dhibaatooyin kale. Haddii aan dib loo cusboonaysiin taageerada caalamka, gaar ahaan saaxiibbada muhiimka ah ee Midowga Yurub, guulaha laga gaaray Soomaaliya halis bay ku jiraan in la burburiyo,” ayuu yiri.

Baaqan Kenya ayaa loo arkaa qayb ka mid ah dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran oo lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo fiiro-gelinta caalamka ee argagixisada Geeska Afrika, xilli quwadaha waaweyn ay diiradda saarayaan dagaallada Ukraine, Bariga Dhexe iyo Aasiya-Bari.