10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2025
Dekedda Muqdisho oo Xiran Maalintii Labaad Kadib Markii Ganacsatadu Diideen bixinta Lacago ay kusheegenSharci-darro

Axad, September 21, 2025 (HOL) - Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa xiran maalintii labaad oo xiriir ah, kadib markii ganacsatada ka shaqeeya dekedda ay si cad u diideen inay bixiyaan lacago cusub oo ay ku tilmaameen kuwo sharci-darro ah oo lagu soo rogay badeecadaha la keeno dalka.

Ganacsatada ayaa sheegay in lacagaha cusub ee laga qaadayo alaabaha la keeno aysan ku salaysnayn wax sharci ah, isla markaana aysan jirin wax heshiis hore ah oo arrintan lagu fulin karo, Waxa ay sheegeen in lacagahan ay wiiqayaan dhaqaalaha ganacsiga, ayna horseedeen hakad weyn oo ku yimid sahayda badeecadaha daruuriga ah ee Muqdisho.

Xirnaanshaha dekedda Muqdisho ayaa dhalisay walaac xoogan oo ku saabsan, Hakadka silsiladda sahayda ee alaabaha muhiimka ah, Kacdoonka qiimaha suuqyada haddii dekedda xirnaato maalmo kale iyo Dhibaato dhaqaale oo saameyn ku yeelan karta ganacsatada yar-yar iyo kuwa waaweynba.

Sidoo kale, waxaa jira cabsi laga qabo in xasaradaha ka dhasha arrintan ay sii xumeeyaan xiriirka u dhexeeya ganacsatada iyo maamulka dekedda, taasoo keeni karta dib u dhac ku yimaada horumarka ganacsiga.

Ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka, gaar ahaan wasaaradaha ay khusayso iyo maamulka dekedda, inay la fariistaan si degdeg ah oo mas’uuliyadi ku dheehan tahay, si loo helo xal waara oo ku saleysan cadaalad iyo sharci.