Kanada iyo Awstaraaliya iyo Ingiriiska oo aqoonsaday Dowladda Falastiin

Axad, September 21, 2025 (HOL) - Dalalka Kanada iyo Awstaraaliya iyo Ingiriiska ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Falastiin, xilli Israa’iil ay sii waddo duullaankeeda iyo dhisidda degsiimooyinka cusub ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, iyo dagaalka ka socda Qasa.
Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa Axaddii maanta ku dhawaaqay aqoonsiga, isaga oo sheegay in dalkiisu “uu yahay rajo cusub oo nabad iyo nolol loo wada siman yahay u abuuri kara Dowladda Falastiin iyo Dowladda Israa’iil.”
Carney ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay “si nidaamsan uga shaqaynayso sidii loo hor istaagi lahaa suuragalnimada dowlad Falastiini ah,” isaga oo intaas ku daray in aqoonsigani uu taageero u yahay kuwa doonaya wada noolaansho iyo nabad.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in aanu aqoonsigoodu abaalmarin u ahayn Xamaas, balse ay taageerayaan maamulka Falastiiniyiinta oo ballan qaaday in ay qabtaan doorasho guud sanadka soo socda, isla markaana ay sameeyaan dib-u-habayn dowladeed.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Awstaraaliya Anthony Albanese iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Penny Wong ayaa sheegay in dalkoodu aqoonsaday dowlada Falastiin si loo abuuro dhaqdhaqaaq cusub oo ku wajahan xal laba dowladood ah. Waxay sheegeen in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaal caalami ah oo ku salaysan xabbad joojin degdeg ah iyo sii deynta maxaabiista lagu hayo Qasa.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale isla maalintaas ku dhawaaqday aqoonsiga Dowlad Falastiini ah, Ra’iisul Wasaaraha Keir Starmer ayaana sheegay in tani ay “dib u soo celinayso rajada nabadda ee Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.” Aqoonsigaasi ayaa imanaya xilli wararka ka imanaya Qasa ay sheegayaan in Israa’iil ay ku dishay in ka badan 65,200 Falastiiniyiin dagaalka socda tan iyo markii uu qarxay, taas oo sii fogeysay kalsoonida beesha caalamka ee ku aaddan Israa’iil.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si adag uga jawaabay aqoonsiga Falastiin, isagoo ku tilmaamay aqoonsiga “abaal-marin loo sameeyay Xamaas,” isaga oo ku hanjabay in “dowlad Falastiin leedahay aanay marnaba dhismi doonin.”
Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Kanada, Awstaraaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa calaamad u ah kala fogaanshaha sii kordhaya ee Israa'iil iyo caalamka, iyadoo dalal kale oo reer Yurub ah sida Faransiiska ay ku dhawaaqeen in ay toddobaadyada soo socda iyaguna aqoonsan doonaan Falastiin.
Ilaa hadda, 147 dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay ayaa aqoonsaday Falastiin, inkasta oo aqoonsigaasi aanu wali kursi rasmi ah ka siin Golaha Ammaanka sababtoo ah Maraykanka ayaa ku hor taagan awooda diidmada qayaxan (veto).