10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shirka Astaynta dowladnimada Falastiin
 

Talaado, September 23, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeyb galay shir heer caalami oo looga hadlayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale si adag u muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aadan garab istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyadoo ay dowladda Soomaaliya ka mid ahayd dowladihii ugu horeeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiirigelinaysaa dalalka qaatay go’aanka taariikhiga ee ku aaddan ictiraafka dowladda reer Falastiin, taas oo xoojinaysa xasilloonida iyo nabadda gobolka, xaqiijinaysana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiin" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. 

Soomaaliya ayaa sidoo kale carabka ku adkaysay in dhisidda dowlad Falastiini ah oo xooggan ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Bariga Dhexe, islamarkaana ay tahay mid damaanad qaadaysa difaaca xuquuqda dadka Falastiin oo dhibaatooyin adag ku jira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah  sanadkan xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku adkaysatay inaan laga aamusin tacaddiyada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso shacabka reer Falastiin, iyadoona ku baaqday in dadaal wadajir ah lagu bixiyo dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax banaan oo Caasimaddeedu noqoto magaalada Qudus.

Axaddii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dalalka Britain, Canada, Australia iyo Portugal ay si rasmi ah ugu biireen in ka badan 145 dal ee horey u aqoonsanaa dowladda Falastiin.