Talaado, September 23, 2025 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun lacageed ku ridday ganacsade Nuuraadiin Ibraahim Mubaarak, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira canshuur-diidnimo iyo jebinta sharciga canshuuraha ee dalka.
Nuuraadiin ayaa lagu eedeeyay inuu ganacsi ku sameynayay qalabka dayactirka baabuurta isagoo aan si sax ah u bixin canshuuraha, taasoo keentay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka dacwad rasmi ah ka gudbiyo, Maxkamaddu markii ay dhageysatay caddeymaha, waxay ku qanaaxaday in dambigu dhacay, waxayna ku xukuntay ganaax lacageed oo u dhigma dambiga uu galay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in Nuuraadiin lagu daray diiwaanka dambiyada dalka, taasoo ah digniin cad oo loo dirayo ganacsatada kale ee aan si buuxda u bixin waajibaadka canshuuraha.
Xafiisku wuxuu si gaar ah u xusay in cid kasta oo ganacsi waddanka ka wadata laga doonayo inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka canshuuraha, Haddii kale, waxaa la horgeyn doonaa maxkamad, waxaana laga yaabaa in lagu daro diiwaanka dambiyada, arrintaasoo si weyn u saameyn karta mustaqbalkooda ganacsi iyo mid shacabnimo labadaba.
“Dhammaan ganacsatada waxaan leenahay, canshuurta dalka waa masuuliyad laga rabo muwaadin kasta, Cidii ka baxda waajibkaas sharci ayaa ka dambeynaya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska.
