10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2025
Odayaal Dhaqameedyo kasoo jeeda Ceelwaaq oo ka shekeeyay dhibaatadii ay kala soo kulmeen Al Shabaab
 

Arbaco, September 24, 2025 (HOL) - Shan odeyaaal dhaqameed ee ka tirsanaa madax-dhaqameedka deegaanka Ceelwaaq, kuwaas oo u afduubnaa kooxda Al-Shabaab muddo 62 maalmood ah, ayaa ugu dambeyn ka hadlay xaaladdii ay ku sugnaayeen intii lagu hayay gudaha Soomaaliya.

Madax dhaqameedka la afduubtay ayaa kasoo muuqday fagaare dadweyne oo lagu qabtay munaasabad ay dadka degaankaasi u yaqaanaan Jukwaa la Usalama oo ka dhacay magaalada Ceelwaaq, halkaas oo ay kaga warbixiyeen tacaddiyadii, cabsidii iyo dhibaatooyinkii ay la kulmeen intii lagu hayay gacanta maleeshiyaadka.

Mid ka mid ah odayaasha ayaa yiri "Waxaan la kulanay cabsi joogto ah, cunto yari, cadaadis iyo hanjabaadyo joogto ah, Maalin walba waxaan filaneeynay geeri ama nolol, laakiin Ilaahay ayaa nasoi badbaadiyay."

Markii ay kasoo laabteen gacanta afduubayaasha, madax-dhaqameedkan ayaa hadda codsanaya taageero dhaqaale iyo la-talin dhanka maskaxda ah (trauma counseling) si ay uga soo kabtaan xanuunka ay la kulmeen.

Sidoo kale, waxay taageero buuxda u muujiyeen qorshaha dowladda ee ah in la hubeeyo lana tababaro maamulayaasha deegaanka, si ay isaga difaacaan khatarta Al-Shabaab ee ku soo badanaysa gobollada xuduudka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee Mandera South, saraakiil amni iyo dadweyne tiro badan oo muujiyay dareen murugo leh iyo taageero ay la garab taagan yihiin madaxdaas soo maray dhibaatooyinka.

Dowladda Kenya ayaa horey u shaacisay qorshe ay ku doonayso in lagu adkeeyo ammaanka gobollada ku dhow xuduudka, gaar ahaan kuwa sida Mandera, Wajir iyo Garissa oo marar badan lala beegsaday weerarro argagixiso.