Arbaco, September 24, 2025 (HOL) - Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kaga qeyb galay Shirka 42-aad ee Golaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 193 dowladood oo xubno ka ah ICAO, Hay’addaha caalamiga ah, shirkadaha diyaaradaha farsameeya ee ugu waa weyn aduunka sida Airbus iyo Boeing, shirkadaha ka shaqeeya qalabka casriga ah ee maamulka duulista rayidka iyo shirkadaha amniga ee soo saara qalabka lagu sugo amniga garoomada diyaaradaha.
Shirkan 42-aad ee Golaha Guud ee ICAO ayaa la filayaa in mudada uu socdo diiradda lagu saaro arrimo ay kamid yihiin amniga duulista rayidka, hal abuurka cusub ee farsamada, horumarinta kaabeyaasha garoomada diyaaradaha, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca Hawada.
Wafdiga dowladda Soomaaliya uga qeyb galay shirkaan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cabdikariin Cabdow Xeydar, waxaana ku wehliya masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan iyo masuuliyiin kale.
Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale halkaasi ka wada kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan nasuuliyiinta dhigoda ah ee ka qeyb galeysa shirkaan, iyagoona kala hadlaya sida lagu horumarin karo adeegyada duulista rayidka.
Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in ka qeybgalka shirkan uu Soomaaliya u yahay fursad muhiim ah, si loo xoojiyo xiriirka kala dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ICAO iyo waliba iney ka faa’ideysataan sidii loo hormarin lahaa adeegyada duulista rayidka ee dalka.
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sanadahii ugu dambeeyay horumaro waa weyn oo la taaban karo ka sameysay dhanka horumarinta adeegyada duulista rayidka Soomaaliyeed.