Arbaco, September 24, 2025 (HOL) - Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Buluuga ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa shaaca ka qaaday in xadgudubyada ka dhaca dhinaca Badda ee la xiriira Kaluumaysiga sharci darada ah inuu dhaxeyso 25% ilaa 60%.
Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Buluuga Axmed Xasan ayaa sheegay in Wasaaradu ay ku howlan tahay dedaalada lagu dhisayo ciidamada ilaalada xeebaha dalka si loo soo afjaro Kaluumeysiga sharci daradda ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir Axmed Xasan in kiisaska la xariira Kalluumaysiga sharci darada ah ay u dacweeyeen dalal qaarkood saaxiibo dhow la ah dowladda Soomaaliya.
“Kalluunka Soomaaliya boobkiisa wuu socdaa, Dowlado aan saaxiibo nahay qaarkood ayaa u dacweynay arrintaan, waxaa jira kuwo ku howlan ilaa hadda in ay dhacaan khayraatka Dalka oo aan wadno in aan kala hadalno in ay biyaha isaga baxaan” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraatka Buluugga ah Axmed Xasan.
Wasiir Axmed ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya xogtaan ay ku ogaatay dayaxa macmalka ah (Satellite) maadaama ay xubin ka tahay ‘Copenhagen agreement’ oo ahaa heshiis looga hortagayay kalluumaysiga sharci darrada ah.
Waxuu bogaadiyay tallaabooyin ay qaadeen Maxkamadaha dalka oo lagu xukumay dad kaluumaysi sharci darro ah ka sameeyay xeebaha dalka, isagoona xusay in haatan la xoojiyay ciidanka ilaalada xeebaha dalka.
"Baaris saddex sanno ah oo ay Dowladdu samaysay waxaa usoo baxday natiijada ah in 500,000 ilaa 800,000 oo kun oo Metre tan oo ah Kalluunka Nooca Tuunaha ah laga samayn karo, dhaqaalaha laga heli karana ay ka badan tahay bal bilyan oo doollar" ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Buluuga ah Axmed Xasan.
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya, iyado Soomaaliya ay heshiis dhinaca difaaca Badda ah kula jirto dalal kala duwan sida Turkiga waxana socda qorshe lagu dhisayo ciidamo xooggan oo awood buuxda u yeelan kara mustaqbalka ilaalinta Badda si looga hortago Maraakiibta sida sharci darada ah uga kalluumaysto Xeebaha Soomaaliya.