10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 24, 2025
Booliiska Somaliland oo ka hor yimid shir la qorsheeyay in berri lagu qabto Hargeysa
 

Arbaco, September 24, 2025 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa si adag uga hor yimid shir ay qaar kamid ah odayaasha beelaha dega galbeedka Hargeysa ku baaqeen in berri lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Xawaadle ee mahaalada Hargaysa, kadib markii loo diiday inay ku shiraan hoteellada magaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliiska, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere), oo warbaahinta la hadlay, ayaa si adag uga digay shirkan, isaga oo sheegay in dadka soo abaabulay aanay fasax kasoo qaadan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Dadka ku baaqaya shir aan sharci ahayn, oo lagaga hor imanayo ciidanka booliiska, lama oggolaan doono. Shirka lagu qabanayo Xawaadle ee qayb kamid ah bulshada ku baaqday ma aha shir laysku raacsan yahay, waa shir layskaga soo horjeedo, waana shir aan looga fasax qaadan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee sharciga u leh,” ayuu yidhi Cabdi Dheere.

Waxa uu intaas ku daray in shirkaasi khatar gelin karo dadka ku ganacsada agagaarka garoonka, isaga oo waalidiinta uga digay inay ubadkoodu ka qayb qaataan shirkaas ama qalalaase ka dhaca xaafadda Xawaadle.

Dhanka kale, waxa uu digniin u diray iskaashatooyinka basaska magaalada ka shaqeeya, isaga oo sheegay in lala xisaabtami doono haddii la arko bas sida dad abaabulan oo buuq wada.

“Fidnada la hurinayo, dadka ku hawlan booliisku isha ayuu ku hayaa, tallaabadiisana wuu ka qaadi doonaa. Nina  u daba fadhiisan mayno, ugamana haybaysanayno in uu nabadda dalka ku ciyaaro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Taliyuhu waxa uu sheegay in maalinta berri ee ay odayaashu ku baaqeen in shirka la qabto, uu ciidamo ku daabuli doono garoonka iyo agagaarkiisa, isla markaana aanu oggolaan doonin in dad iskugu yimaadaan goobtaas.

Shirkan oo aan si cad loo garanayn ujeeddadiisa ayaa la sheegay in odayaasha soo abaabulay ay doonayaan inay soo dhisaan musharax la tartama Maxamed Kaahin Axmed, madaama deegaankoodu cod badan siiyay xisbiga Kulmiye.