Arbaco, September 24, 2025 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa ka tacsiyaysay geerida Taliyihii Guutada Labaad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland, Gen. Cabdi Cali Qalyare, kaasoo ku dhintay qarax miino oo shalay lagula beegsaday Calmiskaad.
Sarkaalkan iyo darawalkiisii ayaa lagu aasay magaalada Garowe, waxaana dilkiisa sheegtay kooxda Daacish sida ay ku faafiyeen barta Twitterka.
Qunsulka Itoobiya u fadhiya magaalada Garowe, Negashiny Yetnegachu, ayaa ku tilmaamay Gen. Qalyare inuu ahaa geesi si adag ula dagaalamay kooxaha argagixisada, isaga oo sheegay in dowladda Itoobiya ay tacsida la qaybsanayso shacabka Puntland iyo qoyska uu ka geeriyooday.
Yetnegachu wuxuu sheegay in Al-Shabaab iyo Daacish ay yihiin labo cadow oo khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Waxa uu intaas ku daray in Itoobiya ay garab taagan tahay midnimada Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.
Sidoo kale, Qunsulka Itoobiya ayaa ka hadlay arrinta biyo-xireennada Itoobiya, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhismayaashaasi – ha ahaadeen kuwo waaweyn ama kuwo yaryarba – aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin kheyraadka biyaha ay Soomaaliya la wadaagto Itoobiya.
“Waxaan aaminsanahay in dhammaan kheyraadka ay dalalka Bariga Afrika wadaagaan, ha noqdaan biyo ama kuwo kale, lagu xallin karo wadahadal iyo isfaham,” ayuu yiri Negashiny Yetnegachu.
Qunsulku waxa uu sheegay xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia inuu haatan marayo meel aad u wanaagsan, isagoo sheegay in dalkiisu uu qorshaynaya inuu Soomaaliya iyo dalalka bariga Afrika uga faaidaysan doono mashruuca laga dhalinayo biyo xireenka cusub ee dhawaan xariga looga jaray.