10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 25, 2025
Carruurta Soomaaliyeed oo halis ugu jirta nafaqo-xumo ba’an marka la gaaro Luulyo 2026
 

Khamiis, September 25, 2025 (HOL) - Ku dhawaad kala bar carruurta ka yar da’da shan sano ee ku nool Soomaaliya ayaa halis ugu jira nafaqo-xumo ba’an marka la gaaro bisha Luulyo 2026, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka soo baxday hay’adda Integrated Food Security Phase Classification (IPC). 

Tan waxaa sabab u ah is-buurashada dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin roobab yaraaday, fatahaado, qiimaha cuntada oo sare u kacay, iyo colaad sii socota iyadoo hoos u dhac ku yimid maalgelinta adeegyada caafimaadka iyo nafaqada ee dalka.

Dadka u nugul cunno yari ayaa lagu qiysaasay 4.4 milyan oo qof oo la filayo inay wajahaan heerar sare oo cunno la’aan ah marka la gaaro dhammaadka 2025, taas oo la eg ku dhawaad rubuc ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa ka mid ah 921,000 oo qof oo wajahi doona heerka afaraad ee cunno la’aanta, waxaana loo baahan doonaa gargaar degdeg ah si loo badbaadiyo nolosha iyo nolol maalmeedka.

Inta u dhaxaysa Agoosto 2025 ilaa Luulyo 2026, tirada carruurta la filayo inay la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba’an waxay gaari kartaa ilaa 1.85 milyan, taasoo ah koror dhan 9% marka loo eego saadaashii hore.

In ka badan 55,000 oo carruur ah ayaa waayey helitaanka adeegyada nafaqada tan iyo bishii Juun, kadib markii xarumo caafimaad iyo nafaqo la xiray sababo la xiriira hoos u dhaca taageerada maaliyadeed, Xarumo badan oo caafimaad iyo nafaqo ah ayaa la xiray, iyadoo in ka badan rubuc ka mid ah xarumihii ay taageeri jirtay hay’adda Save the Children ay albaabada laabteen.

Hoos u dhac ku yimid tallaalka carruurta ayaa horseeday koror ku yimid cudurrada la iska ilaalin karo, sida cudurka diphtheria oo haatan ka dillaacay qeybo ka mid ah dalka, Gobollada koonfureed ayaa ah kuwa ugu daran ee ay saameeyeen abaarta, fatahaadaha iyo colaadaha.